Jubbada.com

 

Reliable news from Horn of Africa

Home Diinta Caafimaadka ciyaaraha Nagala so xiriir

 

Xaalada magaalada Kismaayo
 

Somali News Daily Update

07-10-2009;

Dagaal xoogaggan ayaa saaka mar kale dib waxaa uu uga qarxay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta G/Jubada hoose ,dagaalka ayaa ah mid aad u qaraar waxaan uu u dhexeeyaa Xizbul Islaam iyo Al-shabaab,Dagaalka ayaa goordhow bilaawday waxaan dagaalka soo qaaday Al-shabaab.

Kooxda Al-shabaab ayaa saxaafada ka shaaciyeen shalay inay soo afjareen dagaalkii ay kula jireen ciidamada Xisbul islaam isla markaana ay qabsadeen xarumihii dhinicii kasoo horjeeday.Arintan ayaa waji gabax ku noqon doonta masuulkii shaaciyey inay Al-shabaab ay la wareegtay xarumihii ciidmada Xisbul islaam ay ku lahaayeen duleedka Kismaayo.

Dhinaca kale Xoghayaha Xafiiska warfaadinta Ururka Xizbul islaam Sh. Maxamed Macalina Cali oo saaka la hadlay saxaafada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in dhamaan fariisamihii ay ku lahaayeen duleedka Kismaayo ay ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab.

Xoghayaha Xafiiska warfaadinta Ururka Xizbul islaam Sh. Maxamed Macalin oo wax laga wiidiiyey Sh Axmed Madoobe ayaa waxaa uu yiri Sh Axmed Madoobe waa masuul ka tirsan Ururka Xizbul Islaam , walaalaheen Al-shabaabna Masuuliyiinta Ururka Xizbul Islaam ayey weerar gardaro ah ku hayaan ,Shiikh Maxamed Macalin ayaa ugu baaqay walaalaha Al shabaab in joojiyaan dagaalka ay ku wadaan Masuuliyiinta iyo ciidanka Xizbul Islaam.

Jubbada.com

 

Copyright 2009 Jubbada.com. All Rights Reserved.