Jubbada.com

 

Reliable news from Horn of Africa

Home Diinta Caafimaadka ciyaaraha Nagala so xiriir

 

Xaalada magaalada Kismaayo
 

Somali News Daily Update

01-10-2009;

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhay dagaalka ka socda magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadii Al-shabaab laga qabsaday xarumihii muhiimka ahaa isla markaana ay dabada la galeen xaafada isku raranka ah ee aadka loo degan yahay iyadoo dagaalka ugu culusi uu hadaa halkaa ka socdo.

Dhanka kale War deg deg ah oo hada nasoo gaadhay ayaa wuxuu noo xaqiijiyey in ciidamada Xisbul Islaam ay la wareegeen xaruntii taliska ee ciidamadaii Al-shabaab, xaruntii degmada, dekkeda iyo garoonkii diyaaradaha ee magaalada Kismaayo iyo baabur tikniko ah iyadoo lagu soo waramayo in uu ahaa baabuur Zoo ah iyo nin cadaan ahna gacanta lagu dhigay.

“ Waxaan ka qabanay 7 nin oo dhaawac ah, ugu yaraan 3 Baabuur oo ay qoryo saaran yihiin waan ka gubnay, waxaana qabanay gaadiid kale oo badan, ayadoo uu wali dagaalku socda, hadana guul ayaan ka taaganahay dagaalka magaalada inteeda badan gacanteyna ayay ku jirtaa” Ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Al- Xisbul Islaam.

Ilo wareedyada noo waramay ayaa noo xaqiijiyey in sedex fadhiisimo oo horay ugu sugnaayeen ciidamada Al-shabaab laga qabsaday iyadoo dagaalku u muuqdo mid mar dhow lagu kala bixi doono.

Cabdi Dafleeye
Wararka Kismaayo
Jubbada.com

 

Copyright 2009 Jubbada.com. All Rights Reserved.